War Deg Deg; Gaas iyo Guuleed oo Hada Si Toos ah ugu kulmaya Garoonka Cabdulaahi Yuusuf.

Bulsha:- Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambayn aqbalay inuu la kulmo madaxweynaha maamulka Galmudug  Cabdikariin Xuseen Gulled.

Kulanka ayaa goor dhow ka qabsoomaya garoonka diyaaraddaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada magaalada Gaalakcyo, halkaas oo haatan laga sugayo inuu yimaado Cabdikariin Xuseen Gulled.

Xubno ka socda beesha caalamka ayaa garoonka ku sugan iyo wafdiga R/wasaarahe Sharmaake, kuwaas oo garwadeen ka ahaa kulanka labada mas’uul oo noqonayso markii ugu horeysay ooay is horfadhiisandoonaan.


Madaxweyne Gaas ayaa aqbalay codsi uga yimid raysal wasaaraha iyo beesha caalamka, kaasoo ku saabsanaa inay is horfariistaan Cabdkikariin si ay uga wada hadlaan xiisaha ka taagan magaalada Gaalkacyo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment