Bulsha:- Warbixino sir ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in masxkaxdii ka dambeesay weerarkii Jaamacada Garisa ee lagu dilay 148-qof ee ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-shabab uu hadda ku biiray kooxda ISIS.
Mohamed Kaano oo loo yaqaan Gacmadhere ayaa ahaa hogaanka dagaalamayaasha Al-shabab ee Jubbada hoose waxana warbixintaan oo ay daabacday jariidada The Star lagu sheegay in todobaadkii ugu dambeeyay bishii November uu ninkaasi ka goostay Xarakada Al-shaabab ee xiriirka la leh Al-qaacida isagoona ku biiray Daacish.
Mohamed Kaano iyo 1200-qof oo ay ku jiraan dagaalamayaasha kooxda Jeysh Ayman ayaa ka baxay Al-shabaab.
Kooxdaasi dhamaantooda ayaa la shaaciyay in ay ku dhuumlaysanayaan keynta Boni ee dalka Kenya iyo degaanada Ras Kambooni ee dhulka Soomaaliya.
Koo1x la shaqeeysa sirdoonka gobolka Ku sugan ayaa ka digay in Mohamed Kuno loo magacaabo hogaamiyaha Dacish ee dalka Kenya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment