TOP: Xasan sh oo Guul Siyaasadeed ka Gaaray Kulamadii Guulleed Iyo Gaas ….

Bulsha:-  Waxaa jawi mashquul ah uu ka jiraa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, kadib markii halkaasi ay isku uruursadeen Madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyada.



Waxaa saacadihii ugu danbeeyay halkaasi ka socday shirar kala duwan oo u dhexeeyay madaxda dalka, kaasi oo looga hadlaayay arrimaha Siyaasada iyo mugdiyada ka dhex jira DFS iyo maamul Goboleedyada dalka.



Xasan sheekh Maxamuud ayaa la soo warinayaan in kulan wada jir ah uu la qaatay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo uu kala hadlaayay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo iyo sida ay DFS uga danqatay.



Madaxweyne Xasan ayaa inta kulankaasi uu socday C/kariin Gulleed iyo C/wali Gaas kala hadlay in laga gudbo xiriir xumida ay isku muujinayaan waxa uuna sheegay in dagaal dhexmaraa labada maamul uusan ku burbureynin dadaalkii ay DF u fidineysay labada dhan.

 

Xasan Sheekh ayaa halkaasi mar kale ku heshiisiiyay Gulleed iyo Gaas, isaga oo ka duulaaya kaalinta uu ku lahaa xalinta colaada labada maamul ee uu ka gaabiyay.



Sidoo kale waxa uu Xasan Sheekh C/wali Gaas ka dalbaday inuu u hogaansamo talooyinka DFS si meesha looga saaro amar ku taagleyn iyo Colaad siyaasadeed oo soo laalabata.



C/wali Gaas ayaa soo dhaweeyay hadalka Xasan Sheekh waxa uuna ballanqaaday inuu u hogaansami doono xalinta colaad waliba.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment