Axmed Madoobe: P/land way ku qasban tahay inay Aqoonsato Galmudug State”

Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Islaam) ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay qasab ku tahay Aqoonsiga Maamulka jaarka la ah ee Galmudug.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay Puntland inay tahay Maamul Goboleed dhisan 18 sano, islamarkaana laga doonaayo Maamulada dhismaya inay aqoonsato, lana shaqeyso.

“Puntland waa dowlad gobaleedkii ugu horeeyay 18-sano ayeey jirtay, waxaa laga rabaa inay cid kasta oo gadaasheed dhalatay inay gardaadiso oo horumarka iyo guusha kusii wado, waa qasab Galmudug inay la shaqeyso walaalahooda Puntland u aqoonsadaan dowlad gobaleed iyaga ka horeeyay lana shaqeeyaan, Puntland waxaa qasab ku ah inay aqoonsato maamulka deriska la ah ee Galmdug, la shaqeynaya ay wax ka dhaxeeyaan oo aanay noqon inay iska indha saari karayso, qolo walba waxaa la rabaa inay qaadaan wadada dhabta ah ee ay leeyihiin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay wada shaqeyn dhexmarta Maamulada Galmudug iyo Puntland inay tahay wadada horumarka Somaliya iyo Hanaanka Nabadda.

Isaga oo hadalka siiwata Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uu sheegay Khilaafkii u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in si hoose loo xaliyay “Waxaan u maleynaa Jubbaland ayaa ugu badneyd waxa hadda la jiid jiido, iyadana kasoo gudubnay, waa dhaweyd Shariifka ayaa wax sheeganayay isagana hoos baan uga heshiinnay” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment