Hadii aadan sameyn qodobkan adaa ninkaaga naag kale ku daray-la soco

Bulsha:- Nolosha lamaanaha waa mid dhex taala labada is qabta ruuxba dhankiisa ayuu ka leeyahey hadaba anago ragga dhankooda ka hadli doonaa maalmaha so aadan ayaa maanta waxaan rabnaa in aan muujino qeyb yar oo gabdhaha ay ku hantin karaan qalbiga nimankoda.

Gabaryahey ninkaada waa hadba sida aad ula dhaqanto waxaa jirta asraar badan oo aad ninkaad ku hanan karto qalbi ahaan uga dhigan kartid mid uu ku xoog weyn yahay jaceylka u ku qabo adiga iyo ilmahaaga iyo ruuxda gurigiina, waxaa jirta ama dhacdo in rag badan ay caada ka dhigtaan in ay gurigooda ka caagaan inta badan oo ay jecleystaan in ayku qaataan waqtigooda banaanka guryahooda hadaba ma is weydiisay gabaryaheey sababtaas? hadadaan is weydiin maantaba isweydii su`aalahaan:

Ma yahay gurigaaga nadiif?

Ma yahay gurigaaga mid qalbi ku nasan karo oo la kala maareeyay caruurta waqtiyadooda?

Gogosha ninkaada ma tahay mid soo jiidasho leh iyo su’alo kale oo kuwaan ku qotoma.

Haddaba sir ay u kuur galeen qubaro ku xeel dheer arimaha qoyska ayaa waxaa ay ku ogadeen in sababaha u ninkaada kaaga cararaayo ay kow ka tahay nadaafadda guriga hadaba si aad u hananto waxaa in aad wax ka qabataa nadaafadda aqalkaada kana dhigtaa mid indhaha ku raaxeystaan sidoo kale kala maareey waqtiyada caruurta kana fikir nadaafadooda iyo xilliyada seexashada sidoo kale waa in bishaa gogosha ninkaada iyo waliba quruxdaada Alle kugu maneystay kuna dartaa mid Ilaah raali ka yahay oo ku kooban ninkaada.

Waxaa hubaal ah in ragga ay yihiin kuwa jecel bilicda habalaha haddaba maxaa kuu diidaayo in aad ku dabato ninkaada bilicdaada iyo bilicda reerkaada sida ka fikirka waqtiyadiisa, cuntadiisa, gogoshiisa iyo ku deeqintaanka hadal wanaagsan oo laba lakac ku ridaayo ninkaada.

Arimahaan qubaradu isku holwshay in ay wax ka ogaadaan una qisho habalaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka gacan ka geystay rag ruug-cadaayaal ah oo ay xogcusub la sameeyey xiriir waxaana sharaf inoo ah in aan la wadaagno asxaabteena hawada.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment