Aboowow/Abaayeey hadaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo,Wabi baa makhuurtoo ma nooli,Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda,maalintaan ku waayana waan malganahay.
Run ahaantii Xabiibti/Xabiibi, jaceylkaan aan kuu qabo ma ahan mid igu dhashay markaan Dha dhansaday Erayadadii qimaha iyo qaayaha ku saleesneed ee waa mid aan baryo badan la wareersanaa, oo daawadiisa si aan u helo falkiisa ku jiray.Waxaa ii cuntami weysay in aan ku imaado kugu dhaho :
dhaayaha u roonoow/ney
ku dhaadanaayaay
dhaxantiyo dabaylaha
kaan ka dhigsanayaan
laba dhimasho mooyee
iskuu dhaafin nololoo
waxaanahay is dhawrtoo
rabi kala dhantaaline
hayeeshee dhib hawliyo
dhakafaar adduunyiyo
ina kala dhexyaaloo
soo dhoofi waayee
dhulku kala fogaayoo
ATL NA dheeraa
ayaan dhixin habeenoo
dhakhso iigu kaa sima
jacaylkeenu hadmuu
ubad dhalaa
Laakiin hada waxaan hubaa in qalbigeega qeybtiisa kale ii difaacantahayoow oo aan isku si u wada shaqeyneeno
been laguma dhaartee
dhan loo dayaba wiilyahoow
jacaly iga dhab weeyee..
dhaqan kaama luminoo
dhismahaa ma liicine
waqti kuma dhirbaaxine
sidii aad u dhalatay
dheehii u leeyiin
wali dhabanadaaduye
anna waxa ii dhaawacay
dhaayaha u roonoow
dhoola ka qosolkaagee

Gacaliso/Gacaliye waxaan kuu sheegayaaa in intaa ii heeso kabadan in ee agteyda ku yaalaan ,taasna waxaan jeclahay in aad ka aqrisan karto qoraaladii aan kor ku soo sheegay.
Waxaan warqadaan ku soo xeraayaa, duco , ducadaasoow/Duceysaney ku saleesan mahadnaqa ilaahay..sababtoo ah Qaaliyeey/qalbiyooow, waxaanu nahay laba qalbi oo isku si wax u wada dareemay saas ee tahay awooday inee soo bandhigtaan isla markaana ku heshiiyay in ee meel wax wada saaraan, taasna waxaa inoo suurto galiyay rabigeena…
ilaahay waxaa inooga baryaa in aa noqono labii isku wartoo, ilmo baariya kala hela, aaqiro iyo aduunyaba farxad ku wada noolaadoo,laba dadka ka kala maseeraanoow, lagu wada sheekesto jaceylkoodana dhamaaninoo ,noqdaa kuwiii liibanaa ayaan ilaah inooga baryaayaa..AMIIN AMIIN YA RABi…
Love yaw id all my heart Macaaneey/macaanoow,
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment