Diyaarad sida dhaawacyada Ciidamada Galmudug & Puntland oo Muqdisho soo gaartay

Bulsha:- War goordhow naga soo gaaray garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhow ay halkaas soo caga dhigatay Diyaarad sida Dhaawacyada Ciidamada Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo.

Heshiiskii maalmo kahor lagu kala saxiixday Gaalkacyo ee ay garwadeenka ka ahayd DF, ayaa qeyb kamid ah waxa uu dhigayay in Dhaawacyada labada dhinac ee xaaladoodu darantahay lagu soo dabiibo Isbitaalada magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa Turkiga.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Galmudug oo saxaafada kula hadlay gudaha Garoonka, ayaa sheegay in Dhaawacyada Muqdisho lasoo gaarsiiyay ay yihiin kuwii ugu Cuslaa, islamarkaasina lagu dabiibayo Isbitaalada Muqdisho.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment