Daawo Sawirada:- Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka oo tagay Goobihii lagu dagaalamay ee Magaalada Baladweyne

Bulsha:- Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa wali ku sugan wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ,kuwaa oo halkaa u tagay in xabad joojin kala dhax dhigaan labada maleeshiyo ee dagaalamay.

Wafdigan Dowlada uu horkacayo Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay tagay goobihii ay ku dagalameen labada maleeshiyo beeleed ee xaafadaha howl-Wadaag Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Masuuliyiintan ayaa ku guuleestay in ay xabada joojiyaan ayna ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala dhax dhigaan labadii maleeshiyo beeleed ee maalmo kahor ku dagaalamay Xaafada Howl-Wadaag.

Dowlada Soomaaliya ayaa markan ku dadaaleysa in xal laga gaaro dagaalka soo noq noqday ee u dhaxeeya Beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo marar badan ka dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne oo labada beel ay wada degaan.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment