DAAWO: Booliska Magaalooyinka Qaaradda Yurub oo Feejignaan Xoogan la Galiyay

Bulsha:- Booliska Magaalooyinka ugu waaweyn ee qaaradda Yurub ayaa waxa ay mamnuuceen in caawa la’isugu soo baxo ama la’isugu yimaado meelihii lagu qaban jiray dabaaldegga sanadka cusub.

Iyadoona ay caawa ku began tahay habeenka sanadka cusub ee 2016-ka oo caalamka oo dhan looga dabaaldegayo, ayaa waxaa yaraaday isu socodkii dadka ee magaalooyinka qaaradda Yurub, kadib markii ay la soo deristay arimo la xiriira dhanka amniga.


Arrintan ayaa la xariirta cabsi laga qabo in weeraro argagaxiso oo dalalkaasi ka dhaca, iyadoo labo maalin ka hor gudaha magaalada Brussel lagu qabtay labo nin oo la sheegay inay qorsheynayeen inay weeraro Argagixiso ka gaystaan halkaasi.

Booliska ayaa xalay baaritaano ku sameeyey guryo ku yaal xaafadda Molenbeek oo ah meel ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ahee magaalada Brussels balse baaritaanadaasi ayaan wax natiijo ah laga soo saarin.

 Halkaan hoose ka Daawo








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment