Bulsha:- shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa Aragtiyo kala duwan ka dhiibtay Shirka La doonayo inuu ka qabsoomo Jowhar oo maamul loogu samaynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Jowhar waxay Muqdisho u jirtaa 90 Km dhanka Waqooyi .Waxaa magaalada dhex marta wadada isku xirta caasimadda Soomaaliya iyo gobollada dhexe ee dalka ,waxa sidoo kale magaalada labo u kala qeybiya wabiga Shabeelle bari iyo galbeed. Dhanka bari waxaa la oran jiray Buundo Bravo halka qeybta berri ee qadiimiga ahna lagu magacaabi jiray Bender Jadiid ama Benderka Hoose.
Jowhar sida isku raacsan yihiin inta badan odoyaashii hore waxa magaca ay ka heshay tuulada Jowhar Eylo oo kacaankii uu u badalay Jowhar Soomaali.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment