Bulsha:- Qubarada arimaha qoyska ee xayaati.com ayaa tilmaamaya in heerka furiinka dalka Somaliya uu kordhay taasi oo keeneysa in dib loogu laabto wax yaabaha keenaya qilaafaadka qoyska , waxaa ka mid ah arimaha keena .
1- Dbacsanaan : waa caqbadda ugu horeeysa ee qaboowga ku keeneysa xariirka labada lamaane oo xaraarada ka qaadeysa , waxaa loo baahaan yahay in ihtimaamka uusan daaqadda ka bixin oo labada lamaane sameeyaan dib u dayactir oo mararka qaar wada aadaan safar si waqti iskula soo qataan haddii ay awoodaan.
2- Maseerka : Maseerka wax yaabo yar ayuu ka dhashaa balse waa dilaa aan la ogeyn .
3- Tix Gilinta Oo Yaraata : in qilaafaadka jira in si xor looga hadlo waa caafimaad u wanaagsan qoyska balse haddii yasid iyo bahdilid la socoto waxa ay tani dhaawaceysaa dareemaha jaceyl , waana adag tahay in la iska cafiyo .
4- Dhibaatada Maaliyadda : inkastoo qoysas yar ay arintaan toos uga hadlaan hadana waa dhib jira , cariiriga nolosha iyo bakhiilnimada waa ay keenaayan qilaafaadka qosyska waana muhiim in si wada jir ah loo qorsheeyo xalinta arimahaas.
5- Wadahadlka Oo Yaraada Isla Markaana Adkaato In La Is Dhageysto : si looga gun gaaro isu dheeli tirnaanta xariirka qoyska alcarabiya.com waxa ay ku leedahay waxaa muhiim ah in labada laamane awood u lahaadaan in ay is gaarsiin kaaraan fikradaha si wanagsan iyadoo midba midka kale uu dhageysanayo , wadahadalka tooska ah ayaa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xalin karo mushkiladaha qoyska .bare waa ninkii hada ka hor intuu cararay yidhi kan haduu iga baxsado wa mida aaan hada ku fikiraayo waana iga run sideedaba
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment