Ciidamada Booliska Soomaaliya oo maanta u dabaal degaya sanad-guuradii 72aad ee aas aaskooda

Bulsha:- Munaasabad lagu maamuusayo 72-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa saaka ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo fantasiyo iyo dhoolatus ay ciidamada ka sameynayaan fagaaraha Dugsiga Jen. Kaahiye Ex School Polizio.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee ciidamada booliska, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan, nabad, bash-bash iyo baraare.

Munaasabada ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Madaxda dowladda, Wasiiro, Taliyeyaasha ciidamada iyo marti sharaf kale.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa la aas aasay 1943, waxaana muddooyinkan ku socday dib u dhis iyo qaabeyn, waxaana markii u horeysay ay ciidamada yeesheen qeyb ka mid ah ciidamada miino baarista iyo ciidamo si gaar ah u tababaran.

Sidoo kale ciidamada ayaa la soo baxay xeelado ka duwan kuwii hore oo ku aadan baaritaanka marka uu shil dhaco, iyadoo qaababkan ay la mid yihiin sida booliska caalamka ay wax u baaraan, marka uu dil, qarax ama shil kale uu dhaco.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadda lagu maamuusayo sanad-guuradii 72aad ee aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalooyinka dalka. 








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment