Bulsha:- War goordhow nasoo gaaray ayaa wuxuu sheegayaa in maamulka Puntland uu R/wasaare Cumar ay kahor istaageen inuu tago magaalada Gaalkacyo.
Ilo ku dhow dhow R/wasaaraha ayaa sheegaya in Puntland ay diiday inuu tago magaalada Gaalkacyo, iyagoo u sheegay inuusan u wadin xal.
Wafdiga R/wasaaraha ayaa doonayay ineey waan waan u sameeyaan maamulada Galmudug iyo Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay magaalada Gaalkacyo.
images (12)Sidoo kale, wararkan ayaa sheegaya in RW Somalia uu kusoo laabtay xafiiskiisa, inkastoo uusan weli si rasmi ah uga hadlin sababta keentay inay diido Puntland safarkii uu maanta ku tegi lahaa xarunta gobolka Mudug.
RW Somalia oo ayaa waxaa safarkaan ku wehlin lahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubno kale tirsan baarlamaanka Somalia, waxaana qorshaha ay u tagayaan Gaalkacyo uu ahaa in xal laga gaaro dagaalladii dhawaan ka dhacay.
Tan iyo saakay ayaa waxaa Muqdisho iyo Gaalkacyo ka socday qaban-qaabo safarka RW Somalia uu ku tagayo Gaalkacyo loogu diyaar-garoobayay; balse RW Somalia ayaa kasoo laabtay garoonka Muqdisho, kaddib markii Puntland ay diidday safarkiisa Gaalkacyo.
Dhanka kale, weli waxaa ka taagan Gaalkacyo xiisad ka dhalatay jid laami ah oo Puntland ay ka dhisaysay magaaladaas, kaasoo sababay inuu dhaco dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment