Video: Xisbiga Cadaalada & Horumarka Madaxweyne ERDOGAN oo guulaystay

Bulsha:- Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee dalka Turkiga ee Madaxweyne Erdogan ayaa gaadhay guul aad u sarraysa doorashadii baarlamaanka ee dalkaas ka dhacday shalay oo Axad ahayd, waxaana guushani xisbigaas u horseedday inuu markale keligiis xukuumad soo dhisi karo.


Dalka ayaa soo maray shan bilood oo qalalaase ka taagnaa ka dib markii xisbina uu heli waayay codad uu ku soo dhiso xukuumad, isla markaana xisbiyadu ay isla fahmi waayeen qaabka ay u soo dhisi karaan xukuumad wadaag ah.

Xisbiga AK ayaa ku guulaystay in 49% kuraastii baalmakaanka kuwaas oo gaadhaya illaa 316 kursi oo ka mida 550-ka kursi ee golaha baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay, taas oo aad uga sarraysa guushii la saadaalinayey markii hore.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment