Hogaamiyaha Al-Qaacida oo Fariin dabacsan usoo diray Kooxda Daacish iyo Kooaha kale ee Islaamiyiinta ah

Bulsha:- Hogaamiyaha Al-Qaacida Sheekh Ayman Al Zawahiri , ayaa fariin maqal ah uu soo diray waxa uu baaq ugu diray Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamaya Dalalka Siiriya iyo Ciraaq, gaar ahaan Kooxda awooda badan ee Daacish.

Waxa uu ugu baaqay Ayman Al Zawahiri , Xoogaga Islaamiyiinta ah ee jooga Ciraaq iyo Siiriya in ay mideeyaan awoodooda ayna la dagaalamaan duulaanka ay kusoo qaadeen Dowlada Mareykanka , Ruushka iyo xulufadooda.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Al-Qaacida in aan xiligan loo baahneyn tafaraaruq kal dhax jira Kooxaha jihaadka ku wada jira , waxa uuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay in kooxaha Islaamiyiinta ah ay mideeyana awoodooda si ay dagaal adag kala hortagaan cadowhooda.

Waxa uu Ayman Al Zawahiri si gaar ah farta ugu goday tafaraaruqa ka dhax jira Kooxda uu Hogaamiyo ee Al-qaacida iyo Kooxda Daacish, waxa uuna kula taliyay Daacish in ay ku midoobaan dagaalka kasocda Ciraaq iyo Siiriya.

Fariin uu bilo kahor soo diray Hogaamiyaha Al-Qaacida ayuu ku tilmaamay Kooxda Daacish Dowlada Khilaafada Islaamka ay ku dhawaaqeyn mid aan sharci aheyn, waxaasa hada muuqda in Dr Ayman Al Zawahiri uu doonayo in xariir la yeeshaan Kooxda Daacish ayna saf kawada dagaalamaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment