Daawo Sawirada '' Meydadka Muhaajiriinta Siiriyaanka oo iska yaala xeebaha Dalka Gariiga

Bulsha:- Waxaa sii kordhaaya dadka Suuriyaanka ah ee ku dhamaanaya biyaha u dhexeeya Turkiga iyo Giriiga.

Warbaahinta Caalamka ayaa soo bandhigtay Meydad dhowr ah kuwaasi oo tiro ahaan lagu sheegay ilaa 16 oo kamid ahaa Muhaajiriinta Turkiyaanka ah ee ku safreysay Biyaha u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Dad farabadan oo la socday Dooni nooca dalxiiska ah oo ka ambabaxday Turkiga ayaa mar kale ku degtay Biyaha waxaana halkaasi sidaa ugu dhintay ilaa 16-ruux.

Warbaahinta caalamka waxa ay sheegtay in Dadka ku dhintey doontan ay ka mid ahayen lix carruur ah oo afar ka mid ah ay da’adoodu aad u yar tahay, waxayna degtey doontan iyadoo aan ka fogeyn Jasiirada Griiga ee Samos.

Jimcihii aynu soo dhaafnay ayaa 22 ruux oo ay 17 kamid ah ahaayeen carruur doonaysay in ay u gudbaan dalka Giriiga waxa ay qararmeen biyaha badda kadib markii doonti ay saarnaayeen ay degtey.






_______________________

Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment