Cajiib: 62 jir faqiir India u dhashay oo maalintii quudiya 4,000 shimbaro: Video

Bulsha:- Waa sheeko cajiib ah, 62 sano jir u dhashay dalka India oo faqiir ah ayaa maalin walba quudiya 4,000 shimbaro nooca xannaaneynta ku wanaagsan, kuwaasi oo uu siiyo maalintii laba jeer cuno ku filan.

Sekar oo ku nool magaalada Chennai, ee gobolka  Tamil Nadu, dalka India wuxuu tobankii sano ee u danbeeyay quudinayay shimbarahan, isagoo aysan jirin cid ku taageeray, hadey ahaan laheyd dowlad ama ururo.

Sekar waa waa xirfad-yahan kaamirooyinka iyo saacadaha sameeya, laakiin dhaqaalaha kasoo gala uu ku bixiyo quudinta shimbaraha hor dhooban gurigiisa mudo 10 sano ah.

Dadka ku nool magaalada Chennai ayaa ku tilmaameen nin waalan, maadaama dhaqaale badan uu ku bixiyo quudinta shimbaraha, balse isaga wuxuu isu arkaa qof bini’aadanimada wax ka yaqaan.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment