Daawo Gudoomiyaha cusub ee G.banaadir oo xilka la wareegay

Bulsha:- Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa munaasabad ka dhacday aqalka Dowladda hoose ee Xamar xilka kula wareegay xilka Guddoomiyenimo ee dhawaan loo magacaabay.

Munaasabada oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xildhibaanno,guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir,iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yuusuf Boorsaano oo xilka la wareegay
Munaasabada intii ay socotay ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub, oo lagula dar daarmay inuu xoogga saaro howlaha hor-yaala Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir waxqabadka uu muujiyay mudadii uu xilka hayay, isagoo guddoomiyaha cusub ugu baaqay in isagana uu la yimaado waxqabada balaaran iyo howlkarnimo.



Gudoomiye Yuusuf Boorsaano oo xilka la wareegay
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay waxaabihii u qabsoomay maamulkiisa, isagoo ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub, lacag Bankiga Dhexe ku jirta, gaar ahaan Akoonka Gobolka, waxaana uu u mahadceliyay dadkii la soo shaqeeyay

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in uu la imaan doono waxqabad balaaran oo dhinac waliba leh uuna ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa shaqada socota.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment