Bulsha:- Bikranimada gabdhaha da’ada yar ee Iran ayaa leh muhiimad weyn oo dhinaca bulshada iyo dhaqankaba ah. Haween badan ayaa isku sameeya qaliin si ay soo celiyaan bikranimadooda ka hor habeenka aqalgalka.
“Isbitaalka ayaa lay dhigay kadib markii aan galay shil, sinta ayaa iga jabtay, xanuunna wuu i haayay. Kadib hooyadey ayaa weydiisatay dhakhaatiirta in la hubiyo bikranimadeyda.”
Mahnaz ayaa aheyd 21 jir markii ay shilka ku gashay waqooyiga Iran kaasi oo ay ku weyday walaakeed iyo dumaashideed. Waxa kaliya oo ay ka welwelsanaayeen mas’uuliyiinta Iran ayaa aheyd in bikranimadeeda ay weyday.
Waxay sheegtay: “Maalinkii ay hooyadey weydiisatay in la hubiyo bikranimadeyda ayuu qabiir ka socdo ururka qeynuunka daawada Iran (ILMO) yimid, kadib markii ay hubinta sameeyeen ayey na siiyeen warqad oraneysa inaan shilka ku waayay bikranimadeyda”.
Muhiimadda Bikranimada.
Iran ayey bikranimada weli ka tahay arrin aad u muhiim ah, inkastoo ay jirto isbadal ku yimid bulshada Iran. Sababo dhaqan iyo diimed ayey qoysas badan u doonayaan in caruursaddu ahaato bakra ka hor guurka.
Jamhuuriyadda Islaamka Iran ayey isugalmoodka guurka ka hor ceeb kaliya ka aheyn balse ay sidoo kale ka tahay dambi maxkamaduhu kuugu ciqaabayaan.
Ali Khameni oo ah hogaamiye iyo wadaad sare oo Shiicada Iran ah ayaa si joogta ah uga hadlo muhiimadda ay u leedahay dhaqanka Islaamka inaan galmood la sameyn isagoo difaacay bikranimada inay keento isku xirnaan.
Bikranimada kama ahan Iran arin diineed oo kaliya balse waxay sidoo kale ka tahay arrin dhaqan. Gabadha bakrada ah lama guursan karo iyadoo uusan aabaheed ogolaan.
Hubinta
Gabdhaha Iran ayaa loo arkaa inay bikro yihin marka xuubka hoose uusan dhaawacneyn, ayna hubiyaan dhakhaatiirta ururka caafimaadka ILMO.
Hubinta noocan ah ayaa dalalka qaar laga ogoleyn inkastoo aysan Iran ka jirin qeynuun diidaya. Maxkamadaha Iran ayaa amri kara in bikranimada gabadha la hubiyo marka uu kufsi dhaco ama ninka sheego in xaaskiisa aysan bikro aheyn.
Mararka qaar hubintan bikranimada waxaa sameeya gabadha ama reerka gabadha si ay ugu cadeeyaan qoyska wiilka inay bikro tahay gabadha.
Markale bikro
Sima oo gabar reer Iran ah ayaa martay hubinta bikranimada ka hor guurkeeda, waxayna sheegtay inaysan dooneynin balse qoyskeeda ay ku qasbeen sidaasina ay ku sameysay, kadibna hooyadeed ay siisay warqad cadeyneysa in gabadheeda ay bikro tahay qoyska wiilka.
Si kasta ha ahaatee, qaar ka mid ah gabdhaha Iran ayaa galma sameeya ka hor guurka. Marka ay go’aansadaan inay guursadaan uuna soo doonto nin aysan garaneyn ayey sameeyan qaliinka bikro soo celinta.
Qaliinka ayaa ah hab toos oo qatar yar. Wuxuu isku xirayaa xuubka kaasi oo qaadanaya ilaa 30 daqiiqo.
Dr. Elmi oo dhakhtar haweenka ka ah Tehran ayaa sheegaya inay ogaan karaan hadii qofka sameeyo qaliinka soo celinta bikranimada, balse wuxuu doorbidaa inuusan ka hadal.
Sanaz ayaa sameysay sadax sano ka hor qaliinkan, iyadoo sheegtay in qoyskeeda ahludiin yihiin. “Waxaan doonayay inaan xor ahaado oo aan go’aanka jirkeyga gaaro balse qoyskeyga ma ogola. Wiil aan saaxibo aheyn oo aan wada seexanay, isna guursan weynay ayaa iga cawiyay helista dhakhtar gaar ah sidaasi ayaan ku sameeyay qaliinka. Sanad kadib ayaan guursaday ninkeygana wuxuu ii maleeyay inaan bikro ahay”.
Somaiah ayaa sidoo kale martay qalinka iyadoo sheegtay, “Faraqa ragga iyo dumarka ayaa ah in ragga ay sameyn karaan galmood intii ay doonaan kadib ay isku dayayaan inay helaan gabar bikro ah. Waan dooneynaa inaan galmood sameyno ka hor guurka. Qaliinkan ayaa noo ogolaanayo inaan soo ceshano bikranimadeena marka aan galmood sameyno hadii ay bakranimo muhiim tahay”
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment