Bulsha:- Inaat noqoto nin xaaskiisa u nugul oo la qabta howlaha guriga waxay arintaasi kuu horseedeysaa in aad ku guleeysato islamarkaane uu waaro qoyskaaga,wax khilaafne ah uu idiinka dhax qarxin adiga iyo ooridaada oo aan cid kale idiin so dhax galin,sidaasi waxa shaaca ka qaaday khabiir ku taqasusay cilmiga bulshada oo ka tirsan jaamacada Arizona ee dalka mareeykanka.
Hadaba Hadii odayga reerka nin adag oo aan jilicsaneyn gabadhiisa waxay keenta in saacad walba buuq iyo qeeylo aan dhamaad laheyn idiin dhaxmarto sidasi waxa iftiimisay daraasad cusub oo dhawaan laso bandhigay,
Cilmi baaristan oo ay sameyeen Mrs casey totenhagen iyo koox khubaro ah ayaa malin walba ka qaadi jiray xog uruurin dad ka badan 150 lamaane oo is guursaday iyo qaar aan wali is guursan oo xisriirkooda jaceyl so jiitamayay muda 6 bilood ilaa 44 sanadood iyago diwaan galinayay dhamaan dhaqdhaqaayada nolaleed oo ay sameeyaan kadibne la weydiyay su,aala ah waqtiga ugu dheer oo ay wada jogeen iyo waxyaabaha ay sameyn jireen.
Natiijada cilmi baaristan la sameeyay kaso baxday ayaa waxay noqotay in lamaane howsha guriga wada qabta islamarkaane wada shekeeysta waqti walba ay yihiin ugu nolashoda danbe kuwa oo isku waara oo aan marnaba muran ka dhereeynin iyado cilmi baarista raga uso jeedisay inay u beer jilcanadaan xaasaskoda si ay nolal dheer ula wadagaan.
Ugu danbeeyntii cilmi baaraysha waxay leeyihiin Lamanayasha isku buuqa wa kuwa aan hadalada naxariista ah ku hadlin islamarkaane aan wadaagin wax kaftan waxay mustaqbalkoda ku danbeyn doona kala guur micnaha kala tag oo qoyskii uu bur bur ku yimaada ayey tiri,Mrs casey totenhagen.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment