Prem Ratan Dhan Payo oo labo maalin kusoo xareeyay 71.38 cr

Bulsha:- Filmka Prem Ratan Dhan Payo ee atooraha iyo atariishada ka yihiin Salman Khan iyo Sonam Kapoor ayaa maalintii labaad guushiisa sii wada isagoo labadii maalin ee laga fiirsaday shineemooyinka India guud ahaan uu soo xareeyay 71.38 cr, taasoo aan horay loo arag taariikhda Box Office-ka.

Prem Ratan Dhan Payo oo la sii daayay maalintii Khamiistii (November 12) wuxuu dhigay rikoor cusub oo dhinaca sanduuqa dhaqaalaha, markii maalintii ugu horeysay uu soo xareeyay 42.5 guud ahaan gobolada India, marka lagu darana malintii labaad waxay isu geyn noqotay 71.38 crore.

Inkastoo maalintii labaad uu hoos u dhac ku yimid, hadana lama saadaalin karo maalinta xigta heerka uu gaari doono, maadaama lagu gdda jiro fasaxa Diwali oo looga faa’iiday lacagta badan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment