Bulsha:- Warbaahinta Caalamka ayaa si aad ah u hadal heysa talaabo uu qaaday maalqabeen u dhashay dalka Mareykanka kaasi oo goob lagu dabaasho ku qarash gareeyay $1 million oo dollarka mareykanka ah.
Maalqabeenkaani lagu magacaabo Jay Dweck ayaa goobtaasi lagu dabaasho u ekeysiiyay qalabka loo adeegsado Musikada lagu ciyaaro ee la dhaho Kabanka ayaa ah goob aad loo qurxiyay.
Jay Dweck ayaa sheegay in sababta uu u jeclaaday nashqada dhismaha goobtaasi ay tahay mid ku qasabtay kadib markii uu soo gocday kitaar uu horay u lahaa balse laga xadar kaasi oo uu aad u jeclaa.
Dhulka laga dhisay goobta lagu dabaasho ayaa waxaa la sheegay inay ku fadhiso dhul dhan 1,300 feet oo square ah.
Waxaa kaluu Mr Dweck qorsheynayaa in uu mustaqbalka ku xiro sameecado codka Gitaarka bixiya marka la dabaalanayo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom





Blogger Comment
Facebook Comment