Allaha Unaxariistee Wariyihii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cowke oo ku geeriyooday Jigjiga

Bulsha:- Weriyihii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii uu kusoo booday xanuun deg deg ah.

Geerida Weriye Axmed Xasan Cawke ayaa waxaa xaqiijisay gabadha keliya ee ay walaalaha yihiin Cawke oo lagu magacaabo Canab Xasan.

Waxay sheegtay Canab in walaakeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telefoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanaayo, kadibna loo soo xaqiijiyay inuu geeriyooday.

cowkeCowke wuxuu ka mid ha Wariyeyaasha caanka ah ee kasoo shaqeeyay Radio Muqdisho, BBC, telefishino gaar loo leeyahay iyo laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telifishankii Soomaliya, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweynihi Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii Somalia.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isagoo si weyn loogu yaqiinay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha.

Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefishin oo gaar loo leeyahay.

Waxaa la filayaa in maydka Axmed Xasan Cawke la keeno Somaliland oo aas qaran loo sameeyo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment