Bulsha:- Wararka aan ka helayno ee magaalada Beledweyn, ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen Haweeney si khiyaano ah u dishay seygeedii.
Taliyaha Saldhigga Galbeed ee magaalada Beledweyn dhame C/qaadir Maxamed Axmed, ayaa sheegay in haweeneyda la soo qabtay ay ninkeeda sun ugu dartay caano.
Marxuumka la sumeeyay ayaa abaarihii 10-ka habeenimo u geeriyooday suntaa la siiyay . Warar hoose ayaa sheegaya in Haweeneyda iyo Seygeeda uu ka dhaxeeyay muran, isla markaana dhowr jeer oo hore ay dalbatay inuu furo, hase ahaatee uu isna diidanaa, taana ay keentay inay Caanaha u sumayso.
Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale soo qabtay haweeney kale oo iyana la sheegay inay qorsheyneysay inay ninkeeda sun ugu darto caanaha, isla markaana ay iyada iyo haweeneydii dishay seygeeda isla wadeen qorshahaas.
Dhacdadaan argagaxa leh ayaa maanta si aad ah looga hadal hayaa magaalada Beledweyn, ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo meydka ninka la sumeeyay goor dhoweyd lagu aasay duleedka magaaladaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment