Bulsha:- Rasaas ayaa laga maqlayaa waqooyiga magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada Booliska ay wadaan hawlgalo la xidhiidha weerarkii jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Paris.
Xaafada Saint Denis oo waqooyiga magaalada Paris ku taala ayaa laga maqlayaa rasaasta sida ay soo sheegayaan goob joogayaal halkaasi ku sugan.
Tv-ga BFMTV ee dalka Faransiiska ayaa laga soo xigtay in ay jiraan askar ka tirsan ciidamada Booliska in ay dhaawacmeen, inkastoo aanan la kala cadeyn karin rasaasta dhacaysa in ay tahay mid u dhaxayso labo dhinac iyo mid ay ridayaan ciidamada Booliska.
Waxaa jira tuhun badan oo ku aadan in uu jiro qof sagaalaad oo kamid ahaa raggii weerarka ka gaystay magaalada Paris, Booliskuna waxa ay sheegayaan in muuqaalo sawiro ah laga ogaaday jiritaanka tuhunka la xidhiidha qofka sagaalaad oo weerarkii Paris ka dambeeyey.
Ciidamada Booliska ayaa waxa ay xidheen wadada Place Jean Jaures ee ku taala xaafadda Saint Denis ee waqooyiga magaalada Paris.
Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa ku geeriyooday 129 ruux in ka badan 200 ruux waa ay ku dhaawacmeen masuuliyada weerarkaasina waxaa sheegatay Ururka Daacish.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment