Bulsha:- Sanadka 2015 gudihiisa Aktarka Hrithik Roshan wax filim ma uusan keenin mana keenayo Inta ka dhiman sanadkan.
Sababta waxaa ay tahay Aktarkan hadii uu Filim keenayo mid lagu wada qanci doono ayuu keenayaa oo guul dhaqaalana soo xareynaya sidaa daraadeed ma ahan sida adktarada kale oo sanad gudihii afar filim keenaya sida Akshay Kumar oo kale oo sanadkan keenay afar Filim.
Hrithik Roshan waxaa uu haatan ku sugan yahay magaalada Jabalpur waxaana uu ku duubayaa halkaas Filimkiisa yaxaasyada iyo shabeelada uu kula dagaalayo ee Mohenjo Daro.
Waxaa la saadaalinayaa Mohenjo Daro inuu noqon doono Filimka ugu weyn uguna qiimaha badan sanadka 2016 soo baxaya.
Filimkan Hrithik ayaa awoodiisa u babac dhigaya yaxaaska aad sawirada ku arkeysaan iyo shabeelo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment