Daawo Arin Lala yaabay oo ka dhacay Gobol u dhaw Badda Madow

Bulsha:- Nin Turkish ayaa lagu qabtay Waqooyiga dalkaasi, isagoo looga shakisanaa inuu yahay Is-qarxiye doonaya inuu dad halago.

Warbaahinta Turkiga iyo kuwa Caalamiga ayaa soo bandhigay Sawirka ninkaasi oo ku labisnaa Insha-shareer, kaasi oo sheegay inuu labiskaasi u qaatay si uu ula kulmo gabadh uu Jeclaa oo qarsoodi u ahayd.

Dadka deggan Gobalka Ordu ee kaabiga ku haya Badda Madow ayaa Booliska ku wargeliyay ninkaan oo ay aad uga shakiyeen.

Dadka ayaa tuhun ka qaaday, kadib, ninkaani uu istaagay Boosteejo laga raaco Basaska, kadibna uu la soo baxay Mobaylkiisa.

Wuxuu tuhunku sii kordhay markii la arkay isagoo xirnaa Kabaha u gaarka Ragga.

Koox ka tirsan Boliska ayaa yimid goobtii, waxayna qabteen ninkii xirnaa Insha-shareerka.

Waxa uu Boliska u sheegay inuu Indha-shareerka u qaatay si uu ula kulmo gabar aymarkii ugu horreysay  isku barteen Wada-sheekeysiga Tooska ee Shabakadaha Isku-xirka Bulshadda (An 0nline dating site).


Ninkaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa ah 33-jir guursaday, lehna labo carruur.

Waddanka Turkiga ayaa waxaa ka jirta Feejignaan laga qabo Falalka Is-qarxinta, waxayna Muwaadiniinta Turkiga xusuusan yihiin Isqarxintii Mataanaha ee ay Kooxda Daacish bishii hore ee October 10-dii ka geysteen Dibadbax Nabadeed oo ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Ankari, laguna dilay 102-qof.

Waana Is-qarxintii ugu dhimashadda badnayd ee Taariikhda dalka Turkiga.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment