Bulsha:- Saacado kooban ayaa laga joogaa markii la baahiyay in Aktarka caanka ah ee Amir Khan uu dhaawac halis ah kasoo gaaray Garabka, xili uu ku gudo jiray dhamaystirka Filimka Dangal. Aktarka ayaa markii uu dhaawaca soo gaaray waxaa laga soo duuliyay Luthiana waxaana loosoo duuliyay Mumbai si halkaas loogu daaweeyo.
Saacado kadib markii uu dhaawaca soo gaaray, ayaa Aktarka Boggisa Twitterka, waxa uu kusoo qoray wararkii ugu dambeeyay Xaaladiisa Caafimaad.
“Saaxiibayaal dhaawac sidaas u weyn ima soo gaarin, isbuuc kadib waan kusoo laaban doonaa howsha” ayuu yiri Amir.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment