Bulsha:- Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone, ayaa hada ku mashquulsan dhamaystirka Filimkooda Tamasha, kaasoo lagu wadoo inuu soo baxo dabayaaqada Bishaan November 27-keeda.
Filimka Tamasha ayaa ah Filim ay aad u wada sugayaan dadka xiiseeya Filimada Bollywoodka. Deepika ayaa mar ay wareysi gaar ah siineysay Times Of India, ayaa waxay ka run sheegtay dareenka dhabta ah ee wali kala dhaxeeyo saaxiibkeed hore ee Ranbir.
Mar la su’aalay ineey weli jeceshahay saaxiibkeed hore Ranbir, ayaa Deepika waxay ku jawaabtay, “Dabcan haa weli waan jeclahay, waxaa jira dareen labadeena wali na xiriirinaya si walboo ukala fognahay hada”.
Deepika waxay sheegtay in kastoo ay kala hareen Ranbir xiriirkoodina uu bur buray, hadana wali uu jiro dareen xoogan oo isku soo jiidaya, waxay sheegtay in intii aysan kala harin markeey ku aragto waxyaabo xun xun ay u sheegi jirtay inuu joojiya, xitaa marka uu ka fogyahay ay ka wici jirtay Taleefankiisa gacanta.
Sidoo kale mar isla su’aashaan la weydiiyay Ranbir, ayaa wuxuu ku jawaabay isna, “Haa jaceylka aan Deepika u haayo waa sida kan aan waalidkeey u haayo oo kale, waxaa jiro dareen xoogan oo aan weli u haayo”
Maxeey kula tahay aqriste. Ma fileysaa in labadaan lamaane ay dib u midoobi doonaan?
Ka dhiibo fikirkaada…
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom



Blogger Comment
Facebook Comment