XOG CUSUB Maxaa Axmed Madoobe ka hortaagan inuu magacaabo golaha wasiirada cusub ee Jubaland

Bulsha:- Madxaweynaha Mamaulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ”Axmed Madoobe” ayaa waxaa laga sugayaa soo magacaabida golaha wasiirada maamulkaasi iyo ku dhawaaqida madaxweyne ku xigeenka maamulka jubba, maadaama Dastuurka maamulka Jubba ogol yahay kaliya hal madaxweyne ku xigeen.

Axmed Madoobe,ayaa caqabado badan kala kulmay soo dhisida baarlamaanka maamulka Jubbaland oo dad badan ay kasoo horjeesteen taasi oo markii dambe dhalisay in xubnaha baarlamaanka ka gudbiyaan mooshin sharci daro ka dhigay baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Caqabadaha ugu daran ee hortaagan madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay iney tahay qancinta siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulkiisa sida, Barre Hiiraale, Maxamuud Sayid Aadan, Maxamuud Yuusuf Aw-libaax, Maxamed Cabdi Kaliil iyo xubno kale oo Gedo kasoo jeeda.

Wararku waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe uu doonayo inuu dhiso golaha wasiirada, laakiin dowlada Soomaaliya damacsan tahay in Axmed Madoobe golaha wasiirada uu kusoo biiriyo siyaasiyiinta sida weyn kaga soo horjeedo.

Waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in wasiirada haatan jira ay soo laaban doonaan, balse wasiiro qaar lagu badali doono siyaasiyiinta kasoo jeeda Gedo si maamulkiisa uu kalsooni uga helaa siyaasiyiintii ay isku kacsanaayeen.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment