Mareykanka:- Aabo Soomaaliyeed oo lagu hor dilay carruurtiisa & Xaaskiisa

Bulsha:- Aabo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareeykanka, ayaa lagu hor dilay Caruurtiisa iyo Xaaskiisa, xili ay kasoo baxeen Maqaaxi ku taal magaalada Columbus.

Aabahaan oo lagu magacaabo Shuceyb Abuubakar, ayaa waxaa la sheegay inuu kusoo dhawaaday nin ku hubeysan Qori fudud, islamarkaasina uu rasaas ku bilaabay iyadoo ay daawanayaan cauurtii uu dhalay iyo xaaskiisa.

Allaha u Naxariistee Shuceyb Abuubakar oo da’diisa lagu sheegay 40-jir, oo dhaawac ahaan loo qaaday ayaa isbitaalka OhioHealth Riverside Methodist ku dhintay.

Dilka ayaa dhacay xili aroor ah oo ay qoraxda soo baxeysay, waxaana uu dilka ka dhacay meel Maqaaxi ah oo aad u mashquul badan islamarkaasina ay ku yaalaan goobo ganacsi oo waaweyn.

Dilka ayaa dhacay saacadu markeey ahayd abaaro 6:30 Jimcihii shalay, waxaana Shuceyb iyo qosykiisa ay kasoo baxeen Maqaaxi ay markaas kasoo quraacdeen, waxayna sugayeen Gaarigii qaadi lahaa inta uusan dilka dhicin.

Sarkaal u hadlay Booliska Ohio oo lagu magacaabo Holzhauser, ayaa sheegay in ninka dilka geystay uusan aqoon u lahayn Shuceyb Abuubakar, sidoo kale waxa uu sheegay ineeysan garaneyn sababta dilka uu ugu geystay iyo inuu rabay inuu dhaco.

Holzhauser, ayaa sidoo kale sheegay in caruurta ay daawanayeen marka aabahood la dilayay kan ugu weyn da’diisa lagu qiyaasay 9 ilaa 10 sano jir.

Ninka dilka u geystay Shuceyb ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin Madoow oo aad u dheer, islamarkaasina xirnaa dhar gaduudan.

Booliska magaalada Columbus, ayaa hada baadigoob xoogan ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen gacan ku dhiiglaha geystay dilka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment