Bulsha:- adaba Waxa laga
yaabaa in rag badani
kolka ay
biyabbaxaan, u
qaataan in hawshii
galmadu ay
dhammaatay,
dabeetana intay
dhinaca kale u
jeestaan khuuro
billaabaan, iyaga oon
dheg jalaq u siin
dhibaatooyinka uu
falkoodaasi u
geysanayo
haweeneyda.
Hadii uu ninku xaaskiisa u tago isagoon rabitaankeeda si
wanaagsan u kicin ama isla markuu ka rito dhabarka u jeediyo,
dhibaato xoog leh ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey mid
kadhan ah baana ka timaada, taasi oo ah inuu isagu biyabbaxo
oo barbar u dhaco ayadoon kacsiba billaabin ama uu ku
bargo’o ayadoon biyabbixin, sidaasina niyaddeeda iyo
nafsaddeedu u dhaawacmaan. Bal eega Aayadda Qur’aanka
ah:
(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale).
Culimada Qur’aanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku
macneeyey: (Ugu raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba
jeceshihiin inay idiinku raaxeeyaan).
Lakin Ogow waxa loo baahan yahay inay biyabbaxa ka
dambayso hawl kale oo gunaanad ah, taasi oo ah ugu yaraan
salaaxid, iyo istiimin fudud. Waxa loo baahan yahay inuusan
ninku ka dul kicin xaaskiisa isla marka uu biyabbaxo, balse uu
sugo ilaa iyadu iga kac ka tiraahdo.
Ya yeshee Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar
hadduu biyaha tuuro balaqna noqdo, aanu wax faa’iida ah u
lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna aanay wax micne ah
samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo: (Oo
maxay ku falaysaa geed balaq ah?),
xaqiiqduse taa ka fog.
Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura
rabitaanka cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku
nabnaanta jirka iyo isdhexgalka iyaga iyo raggooda. Waxa
weliba taa kasii ahmiyad badan dareenkooda jacayl iyo dhab
ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo maskaxeed iyo mid
rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment