Qiso Xanuun Badan Oo Ku Dhacday Gabar Soomaaliyeed Xilli Aay Keli Ku Noqotay Qurbaha….

Bulsha:- Kadib markii aan daabacnay qormadii ku saabsaneyd dhibaatooyinka qurbaha ku haaysto gabdhaha soomaaliyeed ayaa gabadhani illaah qeyr ha siiyee inoo soo gudbisay qisadaan gaaban ee xanuunka badan ayadana ku dhacday xili aay ku sugneyd qurbaha.

Qisadii Nasoo Gaartay Iyo Sidii Aay U Qorneyd

ascwrb,, webka Heegan24 iyo bahda kashaqeysa salaan ayaan hawada usoo marinayaa ,, waxaa ka mid tahiin webebka ka nabadgaley dacayadaha dumarka somaliyeed taasna waa idinku hanbalyeynayaa……waxaan ahay hooyo somaliyeed ee wadamada qurbaha ku nool…

waxaa meel iga tabatey,, qurbaha iyo dhibatoyinka hoyoyinka somaliyeed ku heysta,, shaqsiyan aniga waxaa itabtey dhibatooyinka aad ka shekeyneyso dhamaantood,, nin kula nool xaaskiisa aa tahay hadana marna hadal run ah aananba kuu shegeynin,,, wuxuu ku shekeynaayo dhan waa been oo niyad uguma sexaneysid hadalka uu kushegayo uu dhan wax jira in ey yihiin…

waxaan kaloon is weydiiyaa madama gabdhihii dagaladii kadib soo barbarey aan ahay guurkii somaliyana wax aan kashegi karo eysan jirin,, ragu masaan bey ahaan jireen mise qurbaha ayaa bedeley..waxa dhacdey in ninkeyga uu safar gaban uu iga adey,, kadib uur ayaan yeshey oo an ogadey marku baxay kadib,, wiilna waan uhayey curadkena ahaa,,,,waan wacay waxan iri,, ninkeygiyow uurban leyahay,, anooba isleh uga farxi,, mnshlh koley markas waxan daremayey in uu ku farxay,,maxase dhacay kadib,, urkeygii bilba bisha kadanbeysa wuu sii weynadaa ,, waa aniga iyo wilkeyga,,waxaan dhahaa xabiibi maa noo imatid waa ku bahanahayee,,

wuxuu iigu jawabey inshlh markaa dhali rabtid ayaan isku soo adinayaa..,maba an lasii murmin ee waa iska amusey.. cideenii iyo hoyadeyna meeshan ayey iga bush gareynayaan ,, ana waxan ku mar marsiiyodaa hooyo shaquu heley iyo aabihiis aa xanunsan iyo wax la mid ah,, walidkey waxey ku nolayeen wadanka mareykanka,, waxaa dhacdey in eey bilaheygii buuxsameen ,, 9 bil eey ii dhamatey..waxan iri sidee ayaad wax u wadaa ,, waan dhali rabaa oo malin hebel ayaa la ii qabtey…wuxuu igu jawabey jawaab aanan marna ka filaneynin,, aanan isweydiyey maxaad ku muteysatey sidaan in laguu galo.. xaas wanaagsan baan isku heystey afgaban waligey aniga iyo ninkeyga wax naga dhexeya ama hadii xataa qilaaf nadhexmaro ,, waalidkey kalama shekeysan cid kale iskaba daay,,, waxaan heystey figrad ah ,,

qoys hadaladooda bananka laga maq maqlo ama dacwo badan waa ceeb ,, jawaabta uu isiyey waxey eheed,, sgaqo ayaan heley kuumana soo socdo oo fasax waa la ii diidey,, ee dhal naagaha somalidaba waa iska dhal dhali jireen,,..hadalkaas malintuu igu yiri,, habeenkeedii waxaa i qabtey fool.. deg deg ah ,, waqtigii la ii qabtey kasoo hor martey..,, waa aniga iyo cunugeygii yarka ahaa iyo alihii i abuurtey kaliyah ,, wadanka wax yar ayaan jogey,,, dariskeyga ayan kiciyey,, wiilkii u dhibtey ana anbastii ayaa i qadey,, 2bo bari ayaan folanayey,, caadi waan u dhali wayey ,, waa la igu qaley cunugii,,,,,

waxaa dhacdey in isbitalkii aan kasoo ordey halbari kadib ,, waayo cunugeygii ayaan ka fakarayey,, anoo dhaley oo la i qaley,, ayaan iri ninkii taxilaha dukamadan i marsii aan sii adeegtee wuu i marsiyey ,, bal kawaran hooyo 2bo bari folaneysey,, laqaley,, dukaan wax kasii ibsaneyso ,, wax nasiya laheeyn,, hooyo maleh habaryar maleh edo maleh arxan maleh,, ,, ninkii ey waheshaneysana uu saas u galey,,,

sow ninkaas cml gabdhihii,, raga kuma diraayaan,, sow guurkii rageena la nicimaayo,,,marka ilaahey unbaa noo kala garqadi doona raga somaliyeed,, mid xumeysa iyo mid uroon ,, mid jecel iyo mid neceba asxaan uma galaan sababta magaranayo,, markey arkan gabar ajnabi gursatana waa wada qeylinayaan ,,namana daryelaan ma garanaayo sababta keentey taas,,, ascwrb ,, halahaas ayaan idinku darsadey aniga oo daba socda dumarka somaliyed iyo dhibatoyinka qurbaha ku heley.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment