DAAWO SAWIRADA:-Jackie Chan Oo Si Lama Filaan Ah Kaga Yaabsaday Madaxweynaha Shiinaha


Bulsha:-  Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo booqasho ku joogga Magaalada London, ayaa waxay isku arkayn jilaaga weyn ee Jackie Chan. Kulankoodan ayaa ahaa mid lama filaan ah.

Madaxweynaha Shiinaha iyo xaaskiisa oo ay Magaalada London ku soo wareejinayen Amiirka qofka labaad ee leh dhaxaltooyada boqornimada Britain, Prince William iyo afadiisa Kate Middleton, ayaa waxay jilaaga ku kulmeen dhismaha Lancaster.

Madaxweynaha iyo qoyska reer boqor, ayaa waxay is wareysteen xidiga reer China, waxaana la arkaayay sida ay ugu faraxsan yihiin kulankoodan kediska ah. Jackie Chan ayaa sawiraan la galay qoysaska Madaxweynaha iyo reer boqor.

Is aragga fool ka foolka ah ee Madaxweynaha Shiinaha iyo Jackie Chanie, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli Madaxweyne Xi Jinping uu booqasho taariikhi ah ku joogga Britain.

Madaxweynaha Shiinaha iyo afadiisa, ayaa waxay Arbacadii booqdeen dhawr goobood, iyagoo markaasi qoyska reer boqor ay wadaagayan dhaqanka labada dal.

Madaxweyne Xi Jinping, ayaa waxa uu booqan doonnaa goobo kala duwan mudada afarta maalmood ee socdaalka uu ku jooggo Boqortooyada Britain. 
















_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment