QISO CAJIIB AH:- Gabadhii ka badbaadey dilkii qorsheysnaa.

Bulsha:- Gabar ayaa Habeen waxay ku soo Daahday Xaafada ay Daganeyd Gabar kale oo ay Saaxiibo yihiin, kadib way soo Baxday, intii ay Wadada mareysay ayey Cabsi Dareentay, maadaama ay Wadada Cidlo aheyd, waxayna talo saaratay Allaah, wax yar kadib waxay Aragtay Nin Geed horteeda ah ku Gambanaaya, way Naxday waxay Allah ka Barisay inuu Badbaadiyo, Qur'aankana afkeeda ayey ku Qabatay, si uu ilaah uga Badbaadiyo cadowga Horteeda taagan, ayadoo Qur;aanka afkeeda ku heysataa ayey si Tartiib ah Ninkii u ag martay, Gurigeedii ayeyna si Nabad ah ku tagtay.

Subixii ayey waxay Maqashay in Waddadii ay soo martay Geedkii Ninku ku jiray Agtiisa lagu Dilay Gabar, Xiliga uu Dilka dhacay waa qadar 10daqiiqo kadib, markii ay meesha martay, Waxay Dareentay in Ninka Dilka Geystay uu yahay kii ay soo Ag mareysay, si ay Police-ka ugu Sheegto Ninka Tilmaantiisa ayey aaday Saldhiga.

Kadib Taliyihii Taldhiga joogay ayaa u sheegay in ay Hayaan Dhowr Nin oo Habeenkaas la soo qabtay, loogana Shakisan yahay Dilka Gabadha inay Geysteen, sidaa darteed wuxuu Gabadhii ka Dalbaday inay Ragaas Wajiyadooda Eegto oo ay Sheegto haddii uu ku jiro Ninka ay Habeenkii Aragtay.

Gabadhii ayaa si Geesinimo leh u soo hor Istaagtay Ragii Eedeysanayaasha ahaa, waxayna ka Aqoonsatay Ninkii, wayna Sheegtay, Ninkii ayaa isna Dambigii Qirtay.

Gabadhii ayaa Taliyaha ka Codsatay in Ninka loo Weydiiyo Sababta uu iyada u soo Weerari waayay. Markii la Weydiiyay Ninkii ayaa ku jawaabay:- Kaligeed meysan aheyn, waxaa Dhinacyada ka socday Laba Nin oo Dhaadheer oo Xoog badan. Subxaanallaah, Malaha waa Maa'iktii Rabbi, illeen Qur'aanka ayey Afkeeda ku heysay markeey soo mareysay.

(ILAAHOOW QUR'AANKA WEHELKEENA KA YEEL, YAA RABBI).
Walaal ha hilmaamin in aad shere dhahdo Allahu ma ameen




Source:- ApdiiLah Iprahim Mohamed

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment