Bulsha:- Waa Gabadhii Saalixada ahayd ee Alle ka Cabsan jirtay sidaan u malaynayno cidna Alle u Amaani mayno oo isagaa Adoomadiisa Sirahooda Qarsoon Og. Xabiibkeedu waa Habeenka, Qalbigeedu wuxuu markasta ku Maqan yahay oo uu u Xiisoodaa Daaraha Aakhira, marka Mugdiga Habeenku soo Galo waatii u Istaagta Salaad.
Habeenku ha Dheeraado ama ha Gaabto ma aha tii ka Daasha inay Kacdo Habeen Barkii, Koonka oo la wada Hurdo.
habeen keliya ha ahaatee ma aha tii ka Tagta Cibaadada Rabbi iyadoo u Sheeganaysa Siraheeda kana Baryeysa inuu Aqbalo oo uu Raali ka noqdo, iyadoo weliba Akhrineysa Kitaabka Alle.
Marna kama tagto Soonka, mid Waajib iyo mid Sunno ahba, intaas oo Nimco ah waxay ka Faa’iiday oo ay Heshay in Alle u Nuuriyey Wajigeeda iyo Qalbigeeda, wuxuuna u Hibeeyey Naf Dagan oo markasta ku Sugan Xasilooni iyo Daganaan.
Qofna wuxuu Alle uga Qadaray Aduunkan Seegi maayee, Alle wuxuu Qadaray in Gabadhaas uu soo doontay Nin, markii ay doontay inay iska Ogaato waxa uu yahay iyo Akhlaaqdiisana waxaa loo Sheegay inuu yahay Nin Ahlu Diina oo Masjidka ku Xiran, Akhlaaqdiisuna ay Wanaagsan tahay, iyadana sida Caadada u ahayd waxay la Tashatay Rabigeed oo waxay Tukatay Salaadda Istikhaarada, ka dibna wey Ogolaatay.
Waxaa Caado u ahayd Magaalada ay Daganaynd marka ay Arooska leeyihiin inay yimaadaan 12ka Habeenimo, kana soo Dareeraan Salaada Subax ka dib, laakiin iyadu waxay Shardi ka Dhigatay in inta aan la Gaarin 12ka Habeenimo ay joogto Gurigeeda oo ay Xafladu Dhamaato 12ka inta aan la Gaarin.
In badan ayey isku Dayeen Ehelkeedu inay wax ka Beddelaan Go’aankeeda, iyagoo is Weydiinaaya Sababta ay sidaas u Samaysay, waxayse markasta kaga Baxsaneysay marka ay u Sheegto, inayna marna Guursan doonin haddii aan loo yeelin Go’aankeeda.
Wuxuu Waqtigu is Guraba waxaa soo Dhawaatay goortii la Aroosi lahaa iyadooy u sii Ziyaado Maalin kastaba Iimaan iyo Alle kacabsi, Wehelkeeda iyo Farxadeeduna waxay noqotay Habeenku markuu Madoobaado ee ay Istaagto meesha ay ku Tukato iyadoo Rabigeed Baryeysa oo Gacmaheeda ay Qooyeen ilamada Indhaheeda ka Dareeraya kor u haysa iyadoo Alle u Mahadnaqaysa Nimcada uu siiyey ee uu Adoomo badan ka Doortay iyada.
Haddaba, Muddo ka dib waxaa la soo Gaaray Habeenkii ay Balantu ahayd in loo Aroosiyo Ninkeeda, iyadoo aad Moodid Dayax 14aad oo soo baxay. Saacadu waxay Garaacday 9kii Habeenimo si ay u Xasuusiso Qaqtiga ay Bixi lahayd oo ay Xafladu Dhamaan lahayd, waxaa kor loo qaaday Farxadii iyo Mashxaradii lagu Sagootin lahaa Caruusadaas Sharafta leh, waxayna ka soo daba Akhrinayeen Ducadii uu ina baray Rasuulkeena CSW, oo aheyd:- (Baarakallaahu Lakumaa, Wabaaraka Calaykumaa, Wajamaca Beynakumaa Calaa khayr) iyadoo Reerku Xaaladaas ku jiraan oo ay ku Mashquulsan yihiin Gabadhooda ayaa waxaa soo galay Ninkii si uu u Kaxaysto Xaaskiisa, waxaase qabsaday Ninkii Filanwaa iyo Amakaag, markuu Arkay Nuurka iyo Xishoodka uu Alle Huwiyey Xaaskiisa Quruxda iyo Haybadda ka Muuqatay ayuu aad iyo aad ula dhacay.
Wuxuu Qabsaday Gacanteeda ka dibna waxay soo Raaceen Gaabuurkii isagoo Farxad iyo Xiiso badan u hayo oo Rumaysan La’, Nuurka uu Arko ayuu ku soo Kaxeeyey Baabuurkii isagoo Qalbigiisu ugu Sheekaynayo inay Dhici doonto Arrin lama Filaan, kolba marka uu Eego Dhinaceeda ee uu Arko Nuurka iyo Wanaaga ka muuqda Wejigeeda aad ayey Naftiisu uga sii Helaysay Xaaskiisa, Qalbigiisana waxaa u Buuxiyey Jacayl iyo Kalgacal, wuxuuna Dareensanaa oo uu isugu sheekaynayey inuu Hantay Aduunyada iyo wixii ku Sugnaa oo dhan, waxay u jeedsadeen Dhinaca Gurigooda, Farxad ayeyna ku Aqalgaleen.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment