Bulsha:- Madaxweynaha Dalka Suuriya ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku gaaray Magaalada Moskow ee Caasimada Dalka Ruushka, Madaxweyne Assad ayaa waxa uu halkaasi kulan kula qaatay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda dalkaaasi.
Kulanka ay wada qaateen Madaxweynaha Suuriya iyo Kan Ruushka ayaa diirada lagu saaray dagaalka kasocda qeybo badan oo kamid ah Dalkaasi Suuriya, waxa ayna labada masuul isku raaceen in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha kasoo horjeeda Dowlada dalkaasi ka talisa ee Bashar Al Asad.
assad-putin_650x400-(play)Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa uga mahad celiyay dhigiisa Ruuhka Vladimir Putin, gacanta uu ka geesanayo dagaalka ay ciidamada Dowlada Siiriya kala horjeedaan kooxaha mucaaradka iyo kuwa Islaamiyiint ah.
Madaxweynha Ruushka ayaana sheegay in Dowladiisa kaliya aysan u arag xalka Dalka Suuriya in lagu xalin karo faragalin militeri balse muhiim tahay in siyaabo kale xal lagu raadiyo si colaada dalkaasi ka aloolsan xal loogu helo.
Dowlada Ruushka ayaa taageero weyn u muujisay Madaxweynaha ldalka Suuriya, waxaana Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka Ruushka ay qeyb weyn ka qaadanayaan duqeymaha lala eeganayo xoogaga kasoo horjeeda Dowladaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment