Bulsha:- Waxaa maanta magaalada Burco maalin cad oo dharaar ah lagu weeraray wariye ka shaqeeya mid kamid ah laamaha warbaahinta ee magaaladaasi, wariyahan ayaa sheegay in kooxihii weeraray ay ka qaateen Laptop uu watay
wariyahan oo magaciisa lagu sheegay Axmed Sakaaro, ayaa sheegay in koox Hubaysan uu sheegay inay katisan Yihiin Ciidamada Amaanka ee Magaalada Burco ay ka danbeeyeen Weerarka Lagu Qaaday, wariyaha ayaa waxa Haatan Dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Guud ee Magaalada Burco.
Axmed Sakaaro ayaa sheegay in dhowr jeer loo soo diray taleefano iyo massajyo lagu cabsi galinayo, isagoo arintaasna sheegay inay wax samayn ah aysan ku yeelanayn shaqada uu u hayo ummadda magaaladaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment