Muuqaal: Cumar Cabdirashiid oo hadal Geesinimo uga dhowaaqay MUQDISHO

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa hadal taariikhi ah oo geesinimo ka jeediyay munaasbadii 12 oktoobar ee maalinta calanka Soomalaiyee oo shalay ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.


“Kow iyo lixdan sano kadib iyo maanta iyo berri Soomaali astaanta na mataleyso waa Calankaas, waxa loo sameeyeyna Jamhuuriyadda kaliya ma aheyn ee waxay aheyd Qowmiyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, Soddonkii sano ee hore ee dowladnimadeena, siyaasadeena gudaha iyo mida dibedda isaga ayaa qeexay, waxaan dadka kula heshiinaynay ama umad kula dagaaleynay waxay aheyd Calankaas”. sidaasi waxaa yiri Cumar C/rashiid oo sii raaciyay in calankaas lagu socon doono mustaqbalka.



HALKAN KA DAAWO VIDEO





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment