XUBNO cusub oo lagu darayo howl-wadeennada madasha wadatashiga qaran (Yaa la siinayaa?).!!

Bulsha:- Xubno cusub ayaa la sheegay in lagu darayo Guddiga Howlwadeenada Madasha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu magacaabay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya balse la kansalay markii dood weyn ka dhalatay oo ay ka hor yimaadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno kale.

Wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa loo xilsaaray dib u habeynta guddigani oo lagu kordhinayo:<

1 – Xubin ka socota Goboladda Hiiraan iyo Sh/dhexe
2 – Xubin ka socota Gobolka Banaadir

Waxaa kaloo isbedel lagu sameyn doontaa xubnaha ka imaanaya Xafiiska Qaramada Midoobay oo hore beel qura uga socday, iyadoo lagu dari doono xubin cusub, lagana saarayo xubin loo cayimay, tani waxay salka ku heysaa muran weyn oo ka dhashay qaabka xafiiska Ra’iisal wasaaraha u shaaciyay tirada iyo xubnaha howlwadeenada Madashada Qaran ka mid noqonaya oo loogu talogalay qaab guddi farsamo ahaan inay u shaqeeyaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment