Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo ka soo laabtay Tanzania

Bulsha:- Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka oo ku sugnaa dhawaanahan Wadanka Tanzania oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalka ay ku joogeen dalkaasi oo ay kaga qeyb galeen sidii ay u qiimeyn lahaayeen hanaanka doorasho ee ka dhacday Tanzania ee ku saabsaneyd doorashooyinka baarlamaanka golaha deegaanka iyo tan Madaxweynaha.

Guddiga ayaa intii ay joogeen wadanka Tanzania waxa ay kulamo la qaateen guddiga doorashooyinka wadankaasi, kuwaasi oo ay ka dhageysteen hanaanka ay u soo qaban qaabiyeen doorashada dalka Tanzania.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka ayaa oo Warbaahinta Qaranka kula hadashay garoonka Aadan cadde


“Waxaan ka soo laabanay dalka Tanzania, waxa ugu weyn ee aan u aadnay waxa ay tahay inaan ka soo faa’iideysano, runtii waxbadan ayaa inoo suurta gashay oo aan ka baranay, gaar ahaan sida loo diiwaangeliyo dadka codeynaya, habka uu ku shaqeynayo guddiga doorashooyinka, sida loo sheegayo marka la gaaro natiijada iyo kuwa kale oo muhiim ah” ayay tiri Xaliimo yareeey.

Xaliimo yareey ayaa xustay in waxyaabaha ay ka soo barteen dalka Tanzania ay ku dabaqi doonaan howlaha horyaalla marka la gaaro sanadka 2016-ka, waxaana ay tilmaamtay in hanaanka doorasho ee sanadka 2016-ka laga sugayo qaabka loo maareeyn lahaa Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment