Bulsha:- Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi Tv-ga Universal uu la yeeshay Nicholas Kay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Waxaana wax laga waydiiyey Guud ahaanba Siyaasada Soomaaliya, Wixii u qabsoomay, Mooshinkii Madaxwaynaha iyo kuwii ka horeeyay iyo Qorshaha 2016-ka.
Wariye Cabdixaafid oo hordhigay Su’aalo adag ayaa waydiiyey Laba Fariimood oo uu ka diray Nicholas Kay magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho Markii la dhisayey maamulka Galmudug ?,,, Sidoo kale wuxuu wax ka waydiiyey waxa uu hargeisa oo mar hore loo diiday inuu ku noqday ogolaaday inuu mar kale Tago ?
Sidoo kale waxaa la waydiiyey Su’aal ahayd “Waxaad sheegtay in maamulka keliya ee hada dhiman uu yahay maamulka Shabeelada dhexe iyo Hiiraan, Marka ka waran Gobolada Sool iyo Sanaag” Wuxuuna ku jawaabay in gobolada Sool iyo sanaag dadka degan loo baahan yahay in loo helo Xal, “Anagoo ah QM waxaanu ku dhiiri gelinaynaa Somaliland, Puntland iyo Khaatumo Inay xal siyaasadeed u helaan waxkasta oo lagu kala Fiker duwan yahay”.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment