Daawo Sawirada Arooskii ugu Hadiyada Qaalisanaa Caalamka.

Bulsha:- Madaxweynaha Dalka Nayjeeriya Goodluck Jonathan, ayaa ka yaabiyay caalamka iyo martidii ka soo qayb gashay arooska wiil uu dhalay oo ka dhacay caasimadda dalkaas sida ay ku warantay jariirada Daily Mirror ka dib markii ka soo qayb galayaashii mid mid loo hadiyad uu u siiyay telefoonka gacanta dunida ugu danbeeyay ee iPhone oo galkiisu dahabi yahay.

Sida Daily Mirror sawirada ku baahisay, Telefoonada loo qaybiyay marti sharafka arooska wiilka uu dhalay Madaxweynaha Nayjeeriya, ayaa ahaa kuwo si gaar ah loogu soo farsameeyay oo shirkada toos looga dalbaday, taas oo qiimo ahaan ka badan kuwa caadiga ah ee suuqyada shirkada Apple ku soo dayso sanad kasta.

Telefoonadan oo ku jiray, galal u gaar ah, oo dusha sare uu kaga sawiran yahay wiilkaa madaxweyne Goodluck Jonathan dhalay iyo afadiisa uu guursaday laga qaaday ka hor intaanu aroosku dhicin, Sidoo kale waxa mid walba dushiisa sare lagu soo daabacay, qoraal uu ku saxeexan yahay Madaxweynuhu oo loogu mahad naqayo marti sharaftaas, sida ixtiraamku ku jiro ee ay uga soo jawaabeen una soo ajiibeen marti qaadkii loo fidiyay in xaflada arooskaas ay kaga soo qayb galaan










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment