Daawo Sawirada :- Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugan kuna tababaranaya Keymaha Booni ee Dalka Kenya

Bulsha:- Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay Muuqaal muujinaya Dagaalyahano katirsan Kooxdaasi oo ku sugan tababarna ku qaadanaya Keymaha Booni ee Gobolka Xeebta Dalka Kenya.


Sheekh Axmed Iimaan oo madax ka ah Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Dalka Kenya ayaa kasoo muuqday Muuqaalkan cusub, waxa uuna u hanjabay Dowlada Kenya isagoona si aan ganbad laheyn u sheegay in ay joogaan Gudaha Dalka Kenya.


'' Anaga ayaa Joogna Keymaha Booni Ee Kenya, ciidanka Kenya waxaa leenahay hadaad awood leedihii kaalaya oo naga saara halkan aan joogno”.Ayuu yiri Sheekh Axmed Iimaan.

Dowlada Kenya ayaa horey u sheegtay in Keymaha Booni ee dalka Kenya ay joogaan dagaalyahano katirsan Al-Shabaab, Kenya ayaan horey u amartay dadka shacabka ah ay baneeyaan Keymaha Booni si ay howlgalo aagaasi uga fuliyaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment