DAAWO:- Roobabka deyrta oo ka curtay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya

Bulsha:- Roobabka deyrta ayaa ka curtay gobolo badan oo dalka Soomaaliya ah iyadoo laga cabsi qabo in roobabka sanadkan ay ka dhashaan daadad iyo fatahaado.

Gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa ka mid ah gobolada uu roobabka ka da’ay iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda wax qasaare ah oo ka dhashay roobabka.

Hay’adaha samafalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay ka digayeen fatahaado inay ka dhalan karaan roobabkan deyrta iyadoo loogu magac daray El nino roobabka.

Xoolo dhaqatada iyo beeralayda ayaa aad ugu farxay roobabka u bilowday maadaama ay bilihii la soo dhaafay ay ku dhex jireen jiilaal.

Degmada Mahaday iyo degmada Balcad ayaa ka mid ah degmooyinka uu roobkan ka da’ay waxaana ka jira gobolka Sh/dhexe daruuro iyadoo la rajaynayo in roobabku da’aan.

Xaalka wabiga Shabelle oo laga cabsi qabay in uu daadad ka dhasho ayaanay jirin biyo ka badan kuwii hore oo uu wabiga wado.












_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment