Gabadh Soomaliyeed oo lagu Kufsaday Xero qaxooti oo la geeyay Australia si ilmaha looga soo rido iyo Xaalad adag

Bulsha:-  Axaddii shalay ayaa la keenay magaalada Brisbane ee waqooyi-bari ee Australia mid ka mid ah laba gabdhood oo Soomaali ah oo dhawaan lagu kufsaday xero dadka qoxootiga ah la geeyo, taasoo ku taalla dalka Nauru.

Gabadhan oo ku uureysatay kufsigii loo geestay ayaa dhawaan ka codsatay dowladda Australia in dalkeeda ay u ogolaato si ilamaha isaga soo rido. Maadama ay sharci-darro in ilmaha la iska soo rido dalka Nauru ayay gabadhani codsiga ugu dirsatay dowladda Australia.

Xukuuumadda Australia ayaa aqbashay codsiga gabadhan oo 23-jirka ah kaddib markii cadaadis siyaasadeed uu uga yimid shacabka iyo mucaaradka. Waxaana todobaadkii hore uu hogaamiyaha mucaaradka Australia, Bill Shortan dowladda ka dalbaday in si dag-dag ah gabadhan loogu keeno Australia si ay u hesho caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale, in ka badan 60,000 oo qof ayaa arji u qoray Ra’iisul wasaaraha dalka Australia si gabdhan loo keeno waddanka Australia; ayna u hesho caafimaad dag-dag ah.

Gabadhan oo leh uur 14-todobaad ah ayaan wax cunno iyo cabitaan ah afkeeda saarin tan iyo markii dhibaatada kufsiga ah loo geystay u bishii Ogoosto, iyadoo warbaahinta ay soo tabinayaan in 10-kg uu ka dhacday jirkeeda.

Qareenka gabadhan oo lagu magacaabo George Newhouse oo warbaahinta la hadlay kaddib markii gabadhan la keenay Australia ayaa yiri. “Hadda waxay joogta Australia, dowladana way ogolaatay in loo fidiyo caafimaad deg-deg ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment