Daawo:- Kooxda Xiddigaha Geeska: Sidii argagixida iyo burcada ayay noola dhaqmeen

Bulsha:-  Kadib markii shalay dib u heleen xorriyadooda kooxda caan baxday ee Xiddigaha Geeska, ayey ka warbixiyeen qaabkii loola dhaqmay markii laga qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa xiligii ay kasoo laabteen Muqdisho.

Nimcaan Hilaac iyo Maxamed Axmed Bakaal (Ciro) ayaa waxay si wada jir ah u sheegeen in markii laga qabtay garoonka ay kusoo xoomeen ciidamo boolis ah, kuwaasoo jeebado ku boobsiiyay, isla markaana ula dhaqmay sida argagixisada iyo burcada loola dhaqmo.

xiddigahageeskaHase ahaatee markii danbe ay ciidamada xabsiga wax dhibaato ah u geysan marka laga reebo in loo diiday booqashada ehelka iyo asxaabta cuntada u keeneysay.

Go’aan kasoo baxay maxkamadda Hargeysa ayaa lagu sii daayay afarta fannaan ee taageerayaashooda Muqdisho kula soo ciiday. waxayna tilmaameen in fankoodu xuduud laheyn sida siyaasadda iyo maamulada xuduud u kala leeyihiin.


Halkaan ka Daawo Muuqaalka













_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment