Al-shabaab oo xabsi dhigtay ajaaniib ka mid ururkooda oo u dhaqdhaqaaqay ku biirida Daacish

Bulsha:- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Shan ka mid ah ajaaniibta ururka Al-Shabaab xabsiga la dhigay, kadib markii ay sameeyeen amar diido, waxaana loogu dhacay guri ay ka deganaayeen guri ku yaal degmada Jamaame, kuwaasi oo la sheegay in ay u ololeynayeen in Al-Shabaab ku biirto ururka Daacish.

Dhawaan ayaa mid ka mid ah ajaanibta Al-Shabaab ka tirsan khudbad uu ka jeediyay masjid ku yaal degmada Jilib wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay in Al-Shabaab ka gudubto halka ay taagan tahay, isla markaana wax la qeybsado ururka Daacish.

Waxaa soo baxaya khilaaf xoogan oo ku saabsan in madaxda sare ee Al-Shabaab ee isugu jira ajaanibta iyo Soomaalida ay ku kala qeybsan yihiin ku biirista ururka Daacish iyo kasii mid ahaanshaha ururka Al-qaacida.

Warbixin ku saabsan xariga ajaanibtaan oo idaacadda VOA ka diyaarisay halkan hoose ka dhageyso.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment