Ingiriiska oo ciidamo usoo diraya Soomaaliya

Bulsha:- Britain ayaa lagu wadaa in ciidamo ka badan 300 oo askari ay u dirto waddamada Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah ee waddamadaasi.

Inta badan ciidamadaasi waxa la geynayaa Koonfurta Suudaan si ay tababar dagaal iyo talo dhanka farsamada ah u siiyaan ciidamada Qaramada Midoobey.

Ilaa iyo 70 askari oo ciidamadaasi ka tirsan ayaa sidoo kale waxa ay ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka caafimaadka iyo arrimaha hawlgalka.

Ra’iisalwasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in ciidamadaasi ka socda dalkiisa ay waddamadani ka caawin doonaan yareynta argagixisada iyo tahriibka







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment