Daawo: Gudoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha Dhuxul Laab-Saalax oo si kulul uga hadlay Xariga 4 fanaan oo Muqdisho tegay

Bulsha:- Waxaa maanta lagu xiray gegida dayuuradaha ee magaalada Hargeysa afar fanaan oo ka tirsan kooxda Xiddigaha Geeska,iyagoo ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo bandhig faneed ay ka soo dhigeen maalmahii Ciidda.

Fanaanada khadra Sinamoo waxay BBC u sheegtay in fanaaniinta Xamda Queen, Nimcaan Hillaac, Maxamed Axmed Bakaal, iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi ay ciidamada boliiska Hargeysa ka qabteen maanta markii ay ka soo degeen diyaarad ay ka soo raaceen magaalada Muqdisho.

Khadra Sinimoo waxay intaa ku dartay in fanaaniintaasi oo markii hore tegay magaalada Nairobi ay u gudbeen markii danbe Muqdisho oo ay bandhig faneed iyo heeso u soo dhigeen dadweynaha.


Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha ee Somaliland Axmed Cadarre ayaa isna BBC u sheegay in fanaaniintan loo xiray, barnaamijyo liddi ku ah madaxbanaanida Somaliland, oo ay Muqdisho kaga soo qayb galeen iyagoo ah shaqaale ah ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Dhinaca kale Gudomiyaha Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Laabasalaax oo isago wajigiisa cadho ka muqato ka Hadlay Xariga loo Gaystay qaar ka Tirsan Kooxdiisa oo xabsiga magaalada hargaysa lagu Guray








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment